Buug: Kalahaadkii Muqdisho: Xusuusaha Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya 1991.
Kalahaadkii Muqdisho waa buug ka kooban laba boqol iyo dhawr bog. Waa buug ka sheekaynaya dhacdooyin xusuus iyo xanuun badan. Waxaa qoray nin shaqooyin ka la duwan ka soo qabtay wasaaradihii Waxbarashada iyo Warfaafinta ee xilligii Kacaanka. Goobjoog buu u ahaa wixii dhacayay labadii toddobaad ee u horreeyay iyo sidii Dagaalka Sokeeye uga bilaabmay Muqdisho. Xusuusihii qoraaga ee dhawr iyo tobankaas cisho ayaa buuggan ku qoran.
Dhammaadkii bisha Diisambar ee 1990, xilli casar ah oo dadka qaybba hawlahooda gaarka ah ku foogan yihiin bay xabbadda u horraysa ee Dagaalka Sokeeye ee Muqdisho ka qarxaysaa dhinaca woqooyi ee magaalada. Waxaa xabbaddaas ridday Jabhadda USC. Halkaas buu ka qarxi doonaa dagaal lagu hoogi doono oo lagu baabbi’i doonaa. Yuusuf (Yusuf), qoraagu, judha hore dhoollaha ayuu ka qosli doonaa, isaga oo hoos isu leh “Allaylehe Dawladdii xumayd abaalkeeda ha la marsiiyo”!
Maalmo ka hor intii aan dagaalku qarxin buu Yuusuf sidii caadiga ahayd subax ugu shaqo tegayaa xafiiskiisii. Maareeyaha Telefeeshanka Qaranka Soomaaliyeed buu ahaa. Warqado loogu soo diray boostadiisa ayaa loo keenayaa. Waxaa ka mid ah warqad ka timid Xafiiska Wasiirka Warfaafinta oo ay ku qoran tahay in Yuusuf shaqadii laga joojiyay, iyada oo la farayo in uu ku wareejiyo nin kale oo wasiirka ilma adeer yihiin! Aad buu u qarracmayaa Yuusuf. Wasiirka ayuu gurigiisa ugu tegayaa, oo uu dabadeed si kulul u la soo doodayaa, isaga oo wayddiinaya sababta uu xilka uga qaaday. Sidaas buu Yuusuf shaqadii uu ‘dawladda xun’ u hayay kaga tegayaa! Dabadeed taas daraaddeed buu kolka dagaalku qarxo dhoollaha uga qoslayaa!
Muqdisho waxaa u bilaabmaya maalmo aan dhammaad lahayn oo hubka dhinac walba u dhacayaa cid walba dilayo. Laba qolo ayaa hirdan aan arxan lahayni uga dhex bilaabmayaa magaalada. Dhinaca woqooyi bay Jabhadda USC iyo malleeshiyo taageersani ka soo holcinayaan magaalada. Maalinba aag bay gacanta ku qabanayaan. Ciidammadu dibugurasho ayay samaynayaan, dabadeed halkii ay ka gurtaanba USC baa qabsanaysa. Waxaa muuqatay in ciidammada dalwaddu aanay niyad u ahayn in ay difaacaan ‘madaxweynaha’ iyo colkiisa Villa Somalia ku dhex jira. Sarkaallo ka tirsan ciidanka dawladda oo hub ka iibinaya Jabhadda USC ayaa la arkayay! Dagaalku weji qabiil buu yeelanayaa, iyada oo aan la garanayn wejiga uu kolkii hore lahaa! Dabadeed halkaas baa lagu gumaadayaa dad shacab ah oo aan hubaysnayn oo wax ay galabsadeen jirin. Maydku jidadka ayuu tuulmayaa. Dumarka ayaa la kufsanayaa inta guryaha loogu daato. Kuwa sidaas samaynayaa waxa ay u badan yihiin mooryaan raacsan Jabhadda USC.
Cabdi oo ah walaalka weyn ee Yuusuf iyo Xasan oo ah wiilka keli ah ee Cabdi dhalay waxa ay ka mid yihiin dad si mutaddacwnimo ah u aasaya maydka daadsan waddooyinka magaalada ee dadkoodii u waayeen fursad ama awood ay ku aastaan. Dabadeed maalin ka mid ah maalmihii xumaa ee dagaalka ayay malleeshiyada Jabhadda USC dilaysaa Cabdi! Xasan ayaa isku dayaya in uu maydka aabbihii soo arko si uu ugu samro oo dabadeed u aaso. Laakiin isaga iyo aabbihiiba waxa ay ka mid noqonayaan maydadka badan ee jidadka wadhan ee aan cidna aasi doonin! Sababta loo dilay ka ma ay duwanayn ta loo laayay dad badan oo iyaga la hayb ahaa—Darood baa dawladdii iyo magaaliiba naga qaaday baa lagu dagaal gelinayay cid kasta oo dagaal geli karta!
Yuusuf, qoraagu, maalin buu gurigii uu degganaa ka baxayaa si dan uu lahaa u soo fushado, dabadeed Wasaaraddii Arrimaha Dibadda oo la bililiqaysatay buu arkayaa. Wixii sir la kaydinayay ee ku saabsanaa xidhiidhka dawladaha dhulka innaga haysta ee dariska aynu nahay oo jidka wadhan buu arkayaa! Aad buu uga xumanayaa sida ay wax u socdaan. Meel iyo cid loo naxayo ama isu naxaysaa ma jirto.
Dhacdooyin si uun u la xidhiidha xusuusaha buugga ayuu iyagana qoraagu inoo soo gudbinayaa. Waa 1972. Wuxuu qoraagu ka mid yahay macallimiin laga keenay gobollo ka la duwan. Waxaa loo sheegay in ay qaadan doonaan tababar ciidan iyo mid la xidhiidha barashada dhaqanka Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan. Xerada Botiko (Xalane ayaa markii danbe loo bixiyay) ayaa macallimiinta lagu siinayaa tababarka. In caafimaadkooda la hubinayo ayaa loo sheegay ka hor inta aan tababarka loo bilaabin. Qol weyn oo gudaha xerada ku yaal baa lagu xaraynayaa. Kolkaas baa dabadeed la farayaa in ay dharka bixiyaan oo mudh iyo gacan iska dhigaan! Waa ay yaabayaan. Waa rag macallimiin ah oo in is taqaan iyo in aan is aqoonba leh. Waa dadkii ugu muhiimsanaa waaxda waxbarashada dalka. Rag isu seeddi ah baa iyaga oo qaawan saf ku wada jira! Amarkii waa ay qaadanayaan iyaga oo aan wax cabasho ah muujin, haddii kale ‘kacaandiidnimo’ ayaa lagu eedaynayaa. Dharka inta ay bixiyaan baa la foorfoorarinayaa oo dabadooda la baadhayaa! Waa yaxyax iyo wax aanay hore u arag una maqal. Xeradaas wax badan oo xiiso badan oo buugga ku qoran bay ka la kulmayaan.
Kalahaadkii Muqdisho waa buug aad u xiiso badan oo ku dhex gaynayaa wixii Muqdisho ka dhacayay labadii toddobaad ee u horreeyay iyo sidii uu uga bilaabmay dagaal sababay burbur, barakac iyo baabba’a ay soddon sano ka dib saamayntiisii weli muuqato. Asalkii hore wuxuu buuggu ku soo baxay afka Ingiriisiga. Laakiin waxaa turjumid heerkeedu fiican yahay ku sameeyay qoraa Bodhari Warsame. Si sare ayuu hawshaas u qabtay Bodhari. Meelo kooban baa jira oo sida erayada loo turjumay si ka sii hagaagsan loo turjumi kari lahaa. Waxaa ka mid ah cinwaanka buugga oo “Kalahaadkii Muqdisho” lagu turjumay! “Out of Mogadishu” ayuu cinwaanka af Ingiriisigu ahaa. In weedh macnaheeda si hagaagsan qof kastaa u fahmi karo lagu turjumo ayay ahayd, sida: Ka Qaxiddii Muqdisho. Waa laga yaabaa in ay jirto falsafad turjumaaga u gaar ah oo uu ku doortay erayo dhawr ah oo qof kastaa aanu garanayn macnaha looga jeedo, taas oo akhristaha hakad aanu u baahnayn gelinaysa. Nashqadda iyo xaradhka buuggu aad bay u heer sarreeyaan. Shirkadda Garanuug iyo maamulaheeda Muxammad Yuusuf oo isku dubbaridka iyo soosaaridda buugga lahaa baan taas uga mahadnaqayaa. Waa buug la geliyay fikir iyo waqti badan.
$20.00
$10.00