Buuggan Futuux Al Xabasha oo af Carbeed asalkiisu ku qoranaa,
Buuggan oo ka warramaya dagaalladii iyo duullimaadyadii waaweynaa ee uu Imaam Axmed Guray hoggaaminayay horraantii qarnigii 16aad, waxa loo turjamay dhawr af oo ay ka mid ahaayeen Faransiis, Ingiriisi, iyo Xabashi. Sidaasi darteed lagama maarmaanka bay noqotay in af Soomaali na lagu tarjamo oo ay dhab ahaan ahayd mar horaba in ay taasi hir gasho. Waxa ay ahayd mid soo raagtay, waayo deegaanka uu Kitaabku ka warra-mayo iyo dadka kaqayb-qaatay samayntooda